Dowladda Imaaraadka Carabta "Nama cabsi galinayo weerarkii Ismiidaaminta"



Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay ka hadashay qaraxii ismiidaaminta ee Al Shabaab ay kula eegteen shalay saraakiil ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta magaalada Muqdisho.

Wasiiru-dowlaha arimaha dibada Dowladda Imaaraadka Carabta Dr. Anwar Bin Maxamed  Gargash, ayaa sheegay in wax walaac iyo cabsi toona aysan ka qabin  weerarkii Ismiidaaminta ee shalay.

Wuxuu sheegay in Saraakiisha Imaaradka Carabta aysan waxyeelo kasoo gaarin weerarkaasi oo ay bad-qabaan intii baabuurta la socotay.

Dr.Anwar ayaa aad uga xumaaday dadka Somalida ah ee weerarkaasi ku dhintay oo uu sheegay inay ahaayeen dad sooman.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday ciidanka Soomaalida ee weerarkaasi ku dhaawacmay, wuxuuna balan qaaday in Dowladda Imaaraadka Carabta ay dibada u qaadi doonto ciidamadaasi si xaaladooda caafimaad loo soo daweeyo.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi Ismiidaaminta.

Imaaraadka Carabta ayaa Dowladda Soomaaliya ugu deeqda hub iyo gadiid dagaal intaba.


Add New Comment