Madaxda Soomaalida oo Baydhabo kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka





Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socdo.

Qodobada shirka looga hadley ayaa waxaa ka mid ah hannaanka doorashada 2016, guddiyada doorashada, maalgelinta iyo saadka doorashada, qoondada 30% ee haweenka ay ka helayaan goleyaasha qaranka, amniga iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

“Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa daraadeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, hawlahaasina loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida shacabka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha xusay in xoogga la saari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay haatan ku leeyihiin Baarlamaanka, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen.

Waxaa sidoo kale kulankaasi lagu lafaguray fududeynta maalgelinta iyo saadka doorashada iyo diyaarinta qorshe hufan oo dhinaca amniga ah.

Danjire Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo ku hadlayey magaca wakiilada beesha caalamka ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.
Waxaa uu Mr Keating intaa ku daray in beesha caalamka ay si buuxda u taakuleyn doonto hawlaha doorashada, ayna diyaar u yihiin inay Soomaalida arrimahaas kala shaqeeyaan.

Kulankaasi kadib ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Madaxda kulamadan ka qeybgashey ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, madaxda dowlad goboleedyada, halka dhanka wakiilada beesha caalamka ay ka joogeen wakiilka Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, Donald Yamamoto, wakiillada Midowga Afrika, Talyaaniga, Sweden, Kenya, Ethiopia, Uganda, Britain iyo kuwo kale.

Add New Comment