Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo maanta booqasho ku tagay Baydhabo



Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Seekh Xasan Xaamud iyo wafdi saraakiil booliska ah oo la socday ayaa maanta kormeer shaqo ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo saraakiisha ciidanka Boliiska ee gobolka Baay.

Taliyaha oo ujeeddada booqashadiisu ay ahayd u kuurgelidda howlaha ciidanka booliska ee gobolka Baay ayaa ugu horreynba kormeerey qaar kamid ah saldhigyada ciidanka ee magaakada Baydhabo ee heer degmo iyo heer gobolba.

Sidoo kale gen. Xaamud ayaa magaalada Baydhabo kula kulmay saraakiisha ciidanka booliska ee heer gobol iyo heer federaal iyo weliba saraakiisha ciidanka booliska Midowga Afrika ee AMISOM ee halkaasi ku sugan.

Gen. Xaamuud ayaa saraakiisha u sheegay in taliska booliska ay ka go'an tahay in dib u dhis lagu sameeyo dhamaan xarumaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ee gobolka, ayadoo saldhigyadii uu maanta kormeerayna uu ka mid ahaa saldhig boolis oo ay dowladda Imaaraadka Carabta dhowaan dayactir ku sameysay.

Waa markii ugu horeysay taliyaha Boliiska Soomaaliya uu booqasho key tago magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay tan iyo markii loo magacaabay xilkan, waxaana arintan ay qeyb ka tahay dardargelinta howlaha lagu horumarinaayo guud ahaan ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.


Add New Comment