Q. M. oo soo dhaweysay dhaarinta baarlamanka cusub ee Galmudug



Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay dhaarintii qaar ka mid ah xildhibaanada baaralamaanka maamulka Galmudug maalinimadii shalay lagu dhaariyey magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

War qoraal ah oo uu soo saaray wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Nicholas Kay ayaa lagu soo dhaweeyay dhaarinti mudanayaasha Barlamanka cusub ee Galmudug, taasoo shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgadud.

Kay ayaa soo dhaweeyay habsami u socodka howlaha shirka, isagoo rajo wwanaagsan ka muujiyay in shirkaasi uu ka dhasho maamul wanaagsan oo hanta mas’uuliyadda labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud.

Nicholas Kay ayaa u rajeeyay baarlamanka cusub ee shalay la dhaariyay in uu noqdo mid guta howlaha adag ee loo igmaday, wuxuuna soo dhaweeyay habka loo soo xulay mudanayaasha Baarlamankaasi

Mr. Kay ayaa dowladda Federalka Soomaaaliya ugu hambalyeeyay dadaalkii dheeraa oo ay u gashay suurtagelinta shirka maamul u ameynta gobollada dhexe, isagoo dowladda Federaalka ku ammaanay waxqabadkeeda wanaagsan ee key aadan howlaha shirkaasi.

Hadalka Kay ayaa imaanaya iyadoo maalintii shalay mudayaasha cusub ee baarlamanka Galmudug lagu dhaariyay magaalada Cadaado iyodoo xafladdii dhaarinta uu goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Prof. Jawaari.



Add New Comment