Wasiir Odawaa oo sheegay in wadahalka dowladda iyo Ahlusunna uu meel wanaagsan marayo




Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in ay socdaan wadahadallo u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe.

Mudane Odawaa ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadallada u socda dowladda Soomaaliya iyo Ahlusunna waljamaaca, wuxuuna niyad sami ka muujiyay in Ahlusunna ay ku soo biirto maamulka haatan uu dhismihiisu gabagabada marayo ee Gobollada Dhexe.

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya mudane Odawaa ayaa ku soo beegmaya xilli Ahlusunna Waljamaaca ay ku dhawaaqeen in ay magaalada Dhuusamareeb ka furayaan shir ay ku sheegeen in maamul loogu dhisayo isla gobollada dhexe.   


Add New Comment