Xidldhibaanada cusub ee dowlad goboleedka Galmudug oo la dhaariyaya





Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay hoolka uu ka socday shirka maamul u sameynta goboladaasi ee magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda lagu dhaariyay xildhibaanada ayaa waxaa khudbad ka jeediyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari” waxaa sidoo kale halhaasi ka hadlay wasiirka arimaha gudaha,Federaalka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen “Odowaa” iyo gudoomiyaha gudiga farsamada maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud ayagoo xildhibaanada cusub ku booriyay in ay howshooda si wanaagsan u gutaan.

Xildhibaanada la dhaariyay ayaa gaaraya 68 mudane, waxaana ay doorteen gudoon ku meel gaar ah oo ah qofka ugu da’da weyn.

Iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay guda gali doonaan xildhibaanada maanta la dhaariyay in ay soo doortaan gudoonka cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug, waxana intaas ka dib looga fadhiyaa in ay doortaan madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.


Add New Comment