Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Cadaado gaaray


Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “ Jawaari iyo wafdi uu hogaaminaayo oo saaka ka mababaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray degmada Cadaado ee gobolkada Galgaduud.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa kamid ah 10 wasiir oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano gaaraya 30 iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo wafdiga ay halkaasi ku soo dhoweeyeen wasiirada arimaha gudaha, qorsheynta iyo mas’uuliyiinta maamulka ximan iyo xeeb.

Guddoomiyaha  Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa waxaa uu magaalada Cadaado uu maanta kaga qeybgali doonaa munaasabadda lagu dhaarinaayo xildhibaanada cusub ee maamulka Galmudug oo shirkii maamulkaasi lagu dhisayo uu ka ka socoday Cadaado.


Add New Comment