Telefishinka Horn Cable oo laga saaray Satelite-ka Thaicom 5



Telefishinka Horn Cable ee xaruntiisa tahay magaalada Hargeysa ayaa maalintii saddexaad ka maqan Satelite-ka Thaicom 5 oo ah Satelite ay ka soo galaan dhamaan Telefishinada ku hadla Afka Soomaaliga, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaabka hawada looga saaray.

Xiriiro aan la sameynay Telefishinka Horn Cable ayay inoo suura geli weyday inaan wax ka ogaano sababta rasmiga ah ee uu Telefishinku uga maqan yahay Satelite Thaicom, kaasoo sahli jiray in laga daawo meelo badan oo Caalamka ka mid ah.

Telefishinka Horn Cable ayaa hada gudaha Hargeysa laga daawanayaa, waxaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Hargeysa iyo meelaha Soomaalida degto sababaha uu uga maqan yahay qeybta satelite-ka ee Thaicom.

Waxaa la isla dhex marayaa sababaha uu Telefishinka Horn Cable uga maqan yahay Satelite-ka Thaicom 5 ay tahay mid la xiriirto dagaalkii ka dhacay deegaanka Jaamac Dubad oo ka tirsan Gaashaamo, halkaasoo todobaadyo ka hor lagu laayay dad fara badan, kadib dagaalo dhex maray dadka deegaanka iyo Ciidanka Liyuu Boolis.

Dadka ku nool deegaankaas ayaa heyb ahaan ka soo jeeda Somaliland, iyadoo arrintan si weyn uga hadleen warbaahinta Maxaliga iyo kuwa Gobolka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Telefishinka Horn Cable uu baahiyay wararka dagaalada, isagoo ku tilmaamay inuu xasuuq ka dhacay halkaas.

Ilo wareedyo ku sugan Hargeysa ayaa xaqiijinaya in sababaha hawada looga saaray Horn Cable Tv qeybta Sateliteka Thaicom 5 iyo dagaalka Gaashaamo ay tahay mid isku ujeedo ah.

Satelite-ka Thaicom 5 oo laga leeyahay dalka Thailand ayaa waxaa soo kireysatay Shirkad lagu magacaabo RR Media oo laga leeyahay Israel, isla markaana xarunteedu tahay magaalada Tel Aviv.

Dad xog xogaal ah oo ku sugan Hargeysa oo magacooda codsatay inaan la baahin ayaa u sheegay Jowhar.com in dowladda Itoobiya ay ka dambeyso in Telefishinka Horn Cable laga saaro qeybta Satelite-ka Thaicom 5, maadaama xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Israel.

Shirkada RR Media ee laga leeyahay Israel ayaa waxay isku xirtaa qeybaha Satelite-ka Hotbird iyo Thaicom oo u kala baxa Asia iyo Africa, waxaana ay ka soo kireysatay dalka Thailand.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii sidan oo kale Telefishinka Somali Chanel looga saaray qeybta Satelite-ka Thaicom 5, waxaana Telefishinka xilligaas baahin jiray barnaamij ay dhibsatay dowladda Itoobiya oo ay u aragtay inuu taageerayay Jabhada ONLF, taasna waxay keentay in dowladda Itoobiya warqad u qortay Israel, sidaasna looga saaray Telefishinka Somali Chanel Satelite Thaicom 5.

Telefishinka Qaranka Somaliland ayaa dhowaan ka guuray qeybta Satelite-ka Thaicom oo u guuray Satelite kale oo la yiraahdo Global Media oo fadhigiisu yahay Thailand, kaasoo ay si toos ah uga soo kireysteen.


Add New Comment