XILDHIBAAN DALXA: Darbiga ay Kenya dhisayso Wuxuu Xadgudub ku yahay Jirtaanka Soomaaliya



Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Somalia, isla marakaana ah Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay u arkaan Darbiga ay doonayso Kenya inay ka dhisto Soohdinta mid xadgudub ku ah Qaranimada Somalia, isla markaana xadgudub ku ah darisnimada iyo xiriirka labada dal.

Kenya ayaa sheegtay inay bisha soo socota ee July ay billaabayso inay billaabayso dhismaha dabigan, iyadoo Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ay ka doodayeen mooshin ka dhan ah dabigan ay dhisayso Kenya oo ay ku tilmaameen Xad-gudub.

“Hadafka Mooshinka xildhibaanada ay u keeneen waxay tahay si ay u muujiyaan dareenka shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah darbiga ay xukuumadda Kenya doonayso in ay ka dhisto xuduudda kala qaybisa Somalia iyo Kenya. Taasoo loo arkay inay wax u dhimeyso Qarannimada, Xad-gudubna ku ah Darisnimada, Xiriirka labada dal ka dhaxeeyo. Xilligaan looma baahna inay Kenya ku dhaqaaqdo,” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa oo BBC-da wareysi siinayay.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu xusay in caalamka ay gaarsiiyeen in dabigan aanu ahayn mid munaasib ah, balse uu yahay mid xad-gudub ku ah jiritaanka shacabka Soomaaliyeed iyo Qarannimadooda.

“Darbigan wuxuu abuurayaa qalqal siyaasadeed, mid amaan, mid bulsho iyo mid dhaqaale, maadaama dadka Soomaaliyeed ay u arkaan mid xadgudub weyn ku ah Jiritaankooda. Darbiga wuxuu kala qeybinayaa xuduudda labada dal oo aanay jirin wax colaad ah oo ka dhexeeya, wuxuuna keeni karaa caqabado cusub oo soo dhex-gala labada waddan,” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Xildhibaanka oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray inay habboon tahay in haddii la dhisayo darbi ay labada waddan heshiis ku gaaraan, balse waxa hadda Kenya ay waddo waa mid hal dhinac oo keliya ah oo ay Kenya oo keliya wadato.

“Haddii uu dabi wax soo kordhinayo horay ayaa loo arkay darbiga Falastiin ay Israa'iil ka dhistay, dhibaatada uu abuurayna waa loo jeedaa, darbigii Baarliin ee kala qaybiyay labadii Jarmal isna waa la arkaa halka uu ku dambeeyay. Xukuumada Kenya ka dhiganaysaa mar-marsiiyo Ammaan-darro jirta, balse nabadgalyada waxay u baahan tahay in labada dhinac ay wadajir uga shaqeeyaan, balse darbi waxba ma clein karo,” ayuu hadalkiisa ku daray Prof. Dalxa.

Ugu dambeyn Su’aal la weydiiyay xildhibaan Dalxa oo ahayd, Mooshinkan ay darbiga ay dhisayso Kenya ka keeneen Xildhibaannada inuu keeni karo inuu xumaado xiriirka labada dal u dhexeeya; ayuu ku jawabay in Kenya ay ficilkaan iyadu la timid, wixii dhibaato ah ee ka dhashana ay iyadu mas’uuliyaddooda qaadi doonto.

Add New Comment