Wasaaradda Amniga oo sheegtay in la fashiliyey weerarkii dugsiga nabadsugidda


Wasaarada Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyey weerar qorsheysan oo Al-Shabaab saakay aroortii ku soo qaadeen dugsi lagu tababaro ciidamada Nabadsuggida Soomaaliya oo ku yaalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa sida la sheegay markii hore ku biloowday qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftiisa halige ah oo watay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, waxaana intaasi kadib bilaabatay israsaaseyn ciidanka ammaanka iyo kuwii weerarka soo qaaday dhexmaratay.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cusmaan oo hadal kooban siiyey saxaafadda ayaa sheegay in ciidamada ay ka hortageen weerarkaasi ayna fashiliyeen, wuxuuna sheegay inay toogteen raggii weerarka soo qaday.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tirada raggii soo weeraray dugsigii hore ee Shibis oo haatan ah goob lagu tababaro  ciidanka nabadsugidda Soomaaliyeed, taasoo lagu sheegay in ay ahaayeen 4 ruux oo uu ku jiro qofkii uu la qarxay gaariga, halka warar kalena ay sheegayaan in isu-geynta ragga weerarka soo qaaday ay ahayd saddex ruux oo keliya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco www.SilGor.com

Add New Comment