Magacyada xubnaha barlamaanka maamulka Galmudug oo la shaaciyey




Gudigga Farsamadda ee maamul-u-sameynta Gobollada Dhexe ayaa soo bandhigay liis ay ku qoran yihiin inta badan magacyada, beelaha iyo degaannada ay ka soo jeedaan xubnaha barlamaanka ay yeelan doonto dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Guddoomiyaha Gudigga Farsamadda marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa aad ugu amaantay odayaasha dhaqanku sida hufnaanta iyo caddaaladda ku dhisan ee ay usoo xuleen xubnaha ka midka noqon doona Baarlamaanka Dowlad Gobolleedka Galmudug.

Xaliimo Yareey ayaa tiri  Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelineynaa odayaasheena dhaqanka, aad ayay u dadaaleen, waxaa ilaa hadda lasoo gudbiyay 60 xubnood  oo soo buuxiyay shuruudihii dastuuriga ahaa ee lagaga baahnaa, waxaa harsan tiro aad u yar, oo aan odayaasha ka codsanay in ay kusoo gudbiyaan kama dambeys maalinta berri ah, si ay uga qeyb galaan fadhiga ugu horreeya oo qabsoomi doona maalinta Isniinta ah”

Ugu dameyntii, Guddoomiyaha Gudigga Xaliimo Yareey ayaa sheegtay maalinta Isniinta ah la qaban doono munaasabaddi dhaarinta iyo fariisinta Baarlmaanka si ay u guda galaan howlahii doorashooyinka.


Add New Comment