Barlamaanka Soomaaliya oo ka dooday derbiga ay Kenya ka dhisayso xadka




Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa ka doodey  darbiga  la sheegay in dowladda  Kenya ka dhiseyso soohdinta laba dal iyo dib u soo saaridda shillinka Soomaaliga

Qodobka koowaad ee ay xildhibaannada baarlamaanku ka hadleen ayaa ahaa qaraar Golaha Shacabka ku amrayo Xukuumadda iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya soo saaridda lacagta shilin Soomaaliga waxaana qaraarkaasi Xildhibaannada u akhriyey Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo isagu tilmaamay in Xukuumadda laga doonayo iney Bankiga Dhexe u fududeyso miisaaniyad lagu sameeyo lacagta Sh,so.

Akhrinta qaraarkaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanku bilaabeen iney fikradahooda ka dhiibtaan sameynta lacag Sh,so iyo sidii loo howlgelin lahaa hase yeeshee aragtida XIldhibaannada markii ay dhiibteen kadib waxaa loo baahday in talooyinka Xildhibaannada lagu biiriyo qaraarka lasoo saari doono taasi oo Guddoonka Baarlamaanka uu amray in lagu wareejiyo Guddiga Maalliyadda ee Baarlamaanka si ay qaraarkaasi usoo saaraan.

Markaasi kadib Xildhibaannada Baarlamaanku waxey gudagaleen ka doodista mooshin ay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka kasoo gudbiyeen derbi la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”oo markii uu mooshinkaasi akhriyey kadib ka hadlay aragtidiisa ayaa xusay inaanay marna la aqbali Karin in dowlad kaligeed ay xuduud calaameysato ayadoo aysan la ogeyn dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga Arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Cumar Dalxa ayaa xildhibaannada Baarlamaanka u akhriyey qoraar ay Baarlamaanka Jaamacadda carabta uga soo hor jeesteen islamarkaana ku cambaareeyeen darbiga ay dowladda Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya kaasi oo ay Jaamacadda carabtu ku tilmaameen mid xad gudub ku ah madax banaanida iyo qarannimada Soomaaliya.

Aragtida Xildhibaannada waxey aheyd mid isku dhow oo waxay kasoo wada hor jeesteen darbiga ay dowladda ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya waxaana Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf uu muujiyey in xuduudaha dalka ay go’aan ka gaari karto dowlad ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed balse tallaabada ay hada qaaday dowladda Kenya ay tahay mid aanay la aqbali Karin.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/laahi ayaa isaguna uga mahad celiyey guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka dareenka wadaninimo ee ay muujiyen maanta islamarkaana waajib qaran ay tahay in laga dhiidhiyo talaabooyinka xad gudubka ah ee kasoo yeeraya dhanka dowladda Kenya.

Mooshinka ay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka keeneen darbiga la sheegay in dowladda Kenya ay ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Soomaaliya ayaa ugu dambeyn laga soo saari doonaa qaraar kaasi oo Guddoonka Baarlamaanka uu u xil saaray guddi ka kooban Shan xubnood, maalinnimada berrito ah waxaa Baarlamaanka hor imaan doona Wasiirka Maalliyadda si uu Xildhibaannada uga jawaabo su’aallo la xiriira mushaaraadka shaqaalaha Dowlada iyo isbedelka dhaqaalle ee dalka uu galay.

 

WhatsApp

Add New Comment