Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray xarunta maamulka gobolka Banaadir (sawirro)




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Officio Governo oo lagu  hirgaliyey mashruuca dalkaaga dhiso.

Munaasabadii uu xariga looga jarayay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Gobolka iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyay munaasabadda lagu daah furayay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa tilmaamay in xarunta lagu dhisay mashruuca dalkaaga dhiso, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay isku tashato oo ay ka qeyb qaataan mashaariicda dib loogu howlgelinayo xarumihii Danta Guud ee ku bur burtay dagaalladii dalka ka dhacay.

15-kii bishii May ee sanadkii tegay ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhagax dhigay xarunta dowladda Hoose ee Xamar, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay mashruuca haatan lagu dhisay ee ah Dalkaaga dhiso.


Add New Comment