Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka madaxweynaha Suudaan



munaasabah.jpg

Munaasabad lagu caleema-saarayey madaxweynaha dalka Suudaan mudane Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa ka dhacday magaalada Omdurmaan ee dalkaasi, taasoo ay ka qaybgaleen madax fara badan oo ka kala socotay dalalka Afrika iyo Carabta.

Madaxda ka qabgashay munaasabadda ayaa waxa ka mid ah Madaweynaha J.F. Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynayaasha Jabuuti, Masar, Eritrea, Chad, Koonfurta Suudaan, Zimbabwe, ra'iisul-wasaaraha Ethiopia iyo mas'uuliyiin kale oo ka kala socday dalalka Carabta iyo ururrada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika iyo IGAD.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ayaa ku guuleystay doorasho dhowaan ka dhacday dalka Suudaan taas oo u suurtagelineysa in uu sii hayo talada dalkaasi oo uu hogaaminayay tan iyo sanadkii 1989, markaasoo uu talada kula wareegay inqilaab mileteri.

caleema saar.jpg



Add New Comment