Ra'iisul-wasaare Cumar Cabdirashiid oo Muqdisho ku soo laabtay


Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarek iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo noqday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu safar shaqo maalmihii lasoo dhaafay ugu maqnaa magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Ra’iisul-wasaaraha iyo waftigiisa ayaa ku sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Cadaado oo uu ka socdo shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxaana ra’iisul-wasaaruhu kulamo la soo qaatay Gudiga Farsamada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ururada Haweenka iyo madax ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howlo badan oo muhim u ahaa geedi socodka dhismaha maamulkan ay qabsoomeen isagoo mahadcelin u jeediyey maamulka Ximan iyo Xeeb oo marti galiyey qabsoomida shirka Cadaado.

Ra'iisul-wasaaraha ayaa saaka la kulmay guddiga farsamada shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe, waxana halkaas ka hadashay Guddoomiyaha guddiga Marwo Xaliimo Yarey oo R/Wasaaraha uga warbixisay shaqooyinka u qabsoomay guddiga iyo kuwa ka dhiman, waxana sidoo kale R/Wasaraha sheegay in guddiga laga sugayo dhameystirka iyo sixida howlaha shirka, isla markaana xukuumadu ay garab taagan tahay.

Sidoo kale. ra’iisul-wasaare Cumar wuxuu kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka oo uu kula dar-daarmay in ay iska ilaawaan wixii khilaafaad ah, meelna uga soo wada jeestaan dhamaytirka howlaha baaxada leh ee shirka horyaala.

Ugu danbayntii R/Wasaaraha ayaa sheegay in muddo dhow lasoo afmeeri doono wajiga labaad ee shirka, loona gudbi doono dhamaystirka howlaha harsan.


Add New Comment