Guddoomiye Cirfo oo sheegay in xal laga gaaray dagaalladii ka socday xadka gobolka Galguduud iyo Ethiopia



Cirfo B.jpg

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud mudane Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) ayaa mar uu la hadlayey saxaafadda soo hadal qaaday dagaalo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degaano dhaca xadka uu gobolkaasi la leeyahay dalka Ethiopia.

Mudane Cirfo  ayaa sheegay in dagaaladaas lagu dilay ilaa 52 ruux oo isugu jiray rag iyo haween, halka tuulooyin badana lagu gubay arintaas oo uu ku eedeeyay ciidammadda Liyuu Police ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia oo iyagu degaaanadaas kula dagaalamay dad xoolo dhaqato ah .

“Dagaaladaas socday lixda maalmood waxaa ku dhintay ilaa 52 ruux oo 11 ay haween ahaayeen inta kalena rag, waxaa ku dhaawacantay afartan ruux, 18 tuulo ayaa la gubay, dad badan oo xoolo dhaqato ayaa barakacay”ayuu yiri guddoomiye Cirfo oo intaa ku daray in dagaaladaas haatan la xaliyay

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud ayaa sheegay in arrintan ay xiriiro badan kala sameeyeen dowladda Ethiopia  iyo saraakiisha ciidammada qeybta ka ah howl galka AMISOM, kadibna uu yimid is fahan. gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in lagu balamay in shirar xal looga gaarayo dagaaladaas lagu kala qaban doono magaalooyinka Dhuusa mareeb iyo Jig jiga isla markaana ay rajo weyn ka qabaan in xalku ka soo bixi doono halkaa inta ka horeysana in aysan dagaalo kale dhicin laga shaqeyn doono.


Add New Comment