Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo Shaaciisay iN dhaqaalaha Soomaaliya uu kordhay 3.7%



IMF B.jpgHay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ay soo saartay kaga hadlay kororka dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo xustay inuu kordhay dhaqaalaha Soomaaliya - 3.7%, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay muddo 25-sano ah oo ay IMF-tu ka hadasho dhaqaalaha Soomaaliya.

Qiimeyn ay sameysay IMF kaddib uu sameeyey ayaa lagu ogaaday in sanadkii hore ee 2014-kii uu dhaqaalaha Somalia sare u kacay 3.7%, taasoo ay ku tilmaantay in ay tahay mid aad u wanaagsan.

Sidoo kale, hay’adda ayaa sheegtay in meelaha ugu waaweyn ee dhaqaalaha dalka Somalia uu ka kordhay ay kala yihiin; wax-soo-saarka beeraha, is-gaarsiinta iyo dhismaha.

“Horumarrada laga sameeyay dhinacyada amniga iyo abaaro la’aanta Soomaaliya ayaa ka dhigi karta in dhaqaalaha dalka uu kordho 5% xilliyada soo socda. Laakiinse kororka dhaqaalaha Soomaaliya ee xilligan ayaan meesha ka saarayn faqrinimada iyo kala sareynta dhanka dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri Warbixinta IMF.

Dhanka kale, warbixinta hay’adda lacagta adduunka ayaa lagu xusey in Dowladda Soomaaliya ay wali si weyn ugu tiirsan tahay kaalmada caalamka, iyadoo hay’adda IMF ay ugu baaqday dowladdu inay xoojiso hay’adaha lacagta iyo canshuuraha oo la ururiyo, si ay u gaarto isku filnaansho heer wanaagsan ah.

IMF ayaa waxay ka hadashay dhanka sicir-bararka iyadoo xustay in sanadkii 2013-ka uu ahaa 1.3 %, halka sanadkan uu gaari karo boqolkiiba illaa 4%, ayna dhanka kale ku darsami karto kororka dhaqaalaha sannadkan aynu ku jirno illaa 2.7%.

Ugu dambeyn, hay’adda IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u baahan tahay inay is-af-garad la gaarto gobollada, lana timaaddo Siyaasad lacageed oo lagu wada qanacsan yahay, canshuur uruurin dalka oo dhan ah iyo kheyraadkaa dalka oo si siman loo qaybsado.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa waxay imaanaysaa xilli dhawaan ay kulamo lagu adkeynayo xiriirka labada dhan ay dhexmareen mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo kuwo ka socday hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

Add New Comment