Nabadoon Xaad: Shirka magaalada Cadaado wuxuu u socdaa si aad iyo aad u wanaagsan




Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah ergada ka qayb-galaysa shirka ka socda degmada Cadaado ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in xiligan uu shirku u socdo si wanaagsan, lagana gudbay wixii  caqabado ahaa ee jiray.

Nabaddoon Xaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirku uu hadda galay wajigii lagu soo xuli lahaa xildhibaannada baarlamaanka maamul-goboleedka Galmudug, isla markaana la sii wadi doono howlaha kale ee ka harsan dhismaha maamulka Galguduud iyo Mudug.

Sidoo kale, nabaddoonka ayaa xusay in weerarkii shalay lagu qaaday magaalada Cadaado, gaar ahaan halka shirka uu ka socdo aanu waxba u dhimi doonin habsami u socodka shirka Cadaado.

Isagoo sii Nabaddoon Xaad ayuu tilmaamay inay weeararkaas ku dhaawacmeen laba askar oo ka tirsan ciidamada Itoobiya ee ilaalada ka hayay goobta, kuwaasoo la sheegay inay ka hor-tageen gaariga Qaraxa siday oo doonayay inuu gudaha u galo xarunta shirka.

Ugu dambeyn, hadalka nabaddoonka ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ergadu ay si aqlabiyad ah ku meel-mariyeen dastuurka uu maamulkaas yeelanayo, iyadoo la filayo in dhawaan lasoo xulo xildhibaanada baarlamaanka maamulkaas.

Add New Comment