Dastuurka maamulka Gobollada Dhexe oo maanta si rasmi ah loo ansixiyey



Ergada magaalada Cadaado kaga qaaybgaleysa shirka lagu dhisayo maamul ay yeeshaan Gobollada Dhexe (Galgaduud iyo Mudug) ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka uu yeelan doono maamulkaasi.

Qaabkii ay u dhacday u codeynta dastuurka Gobollada Dhexe.

Sida ay cod u qaadidda dastuurka u dhacday ayaa waxa ay kala ahayd sidan:-

Tirada guud ee ergooyinka goobjoogga ka ahaa cod u qaadidda dastuurka ........... 351  xubnood. Tirada ergooyinka u codeeysay ansixintiisa ........................................................... 310  xubnood. Tirada ergooyinka ka biyo-diiday ansixinta dastuurka ..........................................    12  xubnood.   Tirada ergooyinka ka aamusay ansixinta dastuurka ...............................................   29  xubnood.

Qodobbada laga xusi kar waxa uu dastuurkani xambaarsan yahay ayaa waxa ka mid ah calanka, xarunta maamulka, magaca maamulka (Galmudug), tirada xildhibaannada (78 xildhibaan) iyo xuduudaha uu yeelan doono maamulku.

Ansixintii dastuurka kaddib ayaa waxa madasha ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Odawaa, asagoona sheegay in dastuurka maanta la ansixiyey uu noqon doono midka lagu dhiqi doono maamulka cusub ee ka dhalan doona Gobollada Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas kaddib si cad u sheegay in wejigii labaad ee shirku uu halkaas ku soo idlaaday loona gudbay wejigii saddexaad, kaasoo lagu soo xuli doono xildhibaanna barlamaanka uu yeelan doono maamulka gobollada dhexe.


“Muddo 10 Maalmood Gudahood ah ayay Xildhibaannada u yeelan doonaan Kulankoodii ugu horreeyay, kaasoo ay kusoo doortaan guddoonka baarlamaanka, kaddibna ay gudo geli doonaan howlaha u harsan,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.


Add New Comment