Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta awooddiisa ku soo bandhigay magallada Muqdisho (sawiro)



Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ay maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay dhoolatus, kaasoo ahaa mid ballaaran oo ay ciidanku socod ku soo mareen qaybo badan oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhoolatuskan ayaa ahaa mid ay ciidanka booliska Soomaaliyeed ku muujinayeen nabadda ka jirta caasimadda iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay sugaan ammaanka magaalada inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan. 

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka amniga gudaha, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil sare oo ka kala tirsan hay'adaha ammaanka iyo dadweyne aad u fara badan oo taagnaa hareeraha waddooyinka uu dhoolatuska ka dhacayey.

Add New Comment