Wasiir Jangali: Waa in la Dardar-geliyaa soo celinta Hawada Dalka Soomaaliya



Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Somalia Cali Axmed Jaamac Jangali oo booqosho ku jooga xaruunta Hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan Duulista ee ICAO oo ku taalla magaalada Montreal ayaa shalay kulan la qaatay madaxda sare ee hay’adaas oo ay ka mid ahaayeen; madaxa hay'adda Olumuyiwa Benard Aliu, Xoghayaha Cusub Dr. Fang Liu iyo Xoghayaha xilligiisu dhammaaday Raymond Benjamin.

Jangali oo ay wehliyaan laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad-celiyay dadaalka ay hay’adda ICAO ka geystay horumarinta hawada dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan mudadii dheereed ee ay colaaddu ka taagnayd Soomaaliya. Wuxuuna Warbixin koobin ka bixiyey xaaladda Duulista Hawada Somalia, isagoo xusay inay hawl-wadeenno ka tirsan hay’adda Duulista lagu dilay Muqdisho, qaar kalane ay daweyn ugu maqan-yihiin dalka dibaddiisa. Wuxuuna intaas ku daray in shaqaalaha hay’adda ay ku shaqeeyaan xaalad adag.

Wasiirka Gaadiidka Somaila ayaa ka codsaday hay’adda ICAO in ay dardar-galiso sidii hawada dalka Soomaaliya (Somali Airspace) dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya, halka hadda laga maamulo dalka Kenya.

Hawada Soomaaliya oo ku baahsan ilaa iyo Badweynta Hindiya (Somali Flight Information Region – FIR) ayaa waxaa in ka badan 22-sano gacanta ku haysay hay’adda CACAS (Civil Aviation Caretaker Authority for Somalia). Hay’adda CACAS ayaa waxaay Sannad Walia Qaadi jirtay Qayaastii $6-7 Milyan oo doollar sannadkiiba (over-flight fees).

Bishii December ee sannadkii 2014-ka ayay ICOA u Saxiixday in Dowladda Soomaaliya la wareegto maamulka hawada Soomaaliya. Laakiin duruufo la Xiriirka Aqoonta howl-wadeenada iyo Dhismaha Qalabka Hoggaaminta ayaa dib u dhac ku sameeyey soo wareejinta hawada Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxda sare ee hay’adda ICAO waxay dhankooda muujiyeen inay diyaar u yihiin sidii dib loogu dhisi-lahaa hay’adda duulista Somalia, iyagoo xusay in ay diyaar u yihiin in ay Tababbaraan Shaqaalaha Hay’adda si ay ula Wareegaan maamulka Hawada Soomaaliya.

Axmed Jangeli ayaa u Caddeeyay Madaxda Hay’adda ICAO inaanan la Siyaasadayn Hawada Somalia isagoo markaa ula jeeday maamulka Somaliland oo iyana sheegta in qayb ka yihiin maamulka hawada Somalia. Jangali  ayaa ku celceliyey in dowladda Somalia oo kaliya ay mas'uul ka tahay hawada dalka Soomaaliya cid kalana aan lagala xiriiri karin.

Xubanaha dalalka Afrika u matala hay’adda ICAO (African Group) ayaa dhankiisa la kulmay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Soomaaliya. Waxayna uga warbixiyeen Qorshaha la rabo in lagu Horumariyo Hawada Qaaradda Afrika. Waxayna u Xaqiijiyeen Wasiirka in ay ku Dadaali doonaan sidii dowladda Soomaaliya ay dib ugu hanan lahayd maamulka hawadeeda.

Ugu dambeyn, Wasiir Jangeli ayaa Madaxda hay’adda ICAO ku wargaliyey in Maxamed Khaliif Jaamac uu noqon doona shaqsiga ay dowladda Soomaaliya u magacowday inuu xiriirin doono ICAO iyo Waxaada duulista Hawada Soomaaliya (The Focal Point to ICAO).

Add New Comment