RW SHARMA'ARKE oo Markii ugu Horreysay Ka Hadlay Mooshinkii la Ansixiyay ee JUBBALAND




Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali oo isaga iyo wafdi uu Hor-kacayo ay ku sugan yihiin Dalka Mareykanka ayaa markii ugu Horreysay ka hadlay Mooshinkii baarlamaanka Jubbaland oo todobaadkii lasoo dhaafay ay ansixiyeen xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sharma’arke ayaa Sheegay inay Guddi heer Wasiir ah ay u sareen Arrintan, kuwaasoo tegi doona dhawaan magaalada Kismaayo si ay ula Fariistaan Madaxda Maamulka KMG ah ee Jubbaland iyo dadka dega deegaannada maamulkaas uu ka arrimiyo.

“Arrintan waxaan u wajihi doonnaa sidii aan ku heshiinnay, waxaana sida ugu dhaqsiyaha badan uga Howl-geli doona Guddigii Wasiirrada ahaa ee loo saarnay. kuwaasoo daraasad kusoo sameyn doona Cabashada, la kulmi doona Maamulka iyo Dadka deegaanka, waxay kaloo la kulmi doonaan dadka cabashada ka keenay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland,” ayuu yiri RW Cumar C/rashiid.

RW Somalia ayaa sidoo kale xusay in howsha sida ay u wadaan tahay midda keliya ee xal looga gaari doono khliaafka u dhexeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda federaalka ah ee Somalia, isagoo xusay in sida ay howsha u wadaan ay beesha caalamku soo dhaweysay.

“Wasiirada howshan geli doona, waxayna wabixinnada ay soo ururiyeen dib ugu soo celin doonaan Xukuumadda, markaas kaddib ayaana la sameyn doona sidii Murankaan xal looga gaari lahaa,” ayuu mar kale yiri Sharma’arke.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa Shaaciyay inay jiraan Waxyaabo uu weli mugdi ku jiro, balse ay shaaca ka qaadi doonaan si arrintan taagan xal waara looga gaaro, inkastoo uusan sheegin arrimahaasi waxay yihiin.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa isku dayaysa inay Xalliso khilaafka cusub ee kala dhexeeya maamulka Jubbaland, iyadoo sidoo kale uu madaxweynaha Somalia dhowr jeer isaguna ka hadlay, isagoo ku taliyay in arrinta si hoose loo dhameeyo.

Si kasta ha ahaatee, Maamulka Jubbaland ayaa ku doodaya in baarlamaankooda uu yahay mid ku dhisan si sharci ah, wuxuuna xusay in Mooshinka la Ansixyay uu yahay mid lagu carqaladeynayo maamulkooda.

Add New Comment