Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa beeniyay in isku shaandhayn lagu samaynaayo Golaha Wasiirada






Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, ayaa arrimo badan kaga hadlay.

Madaxweynaha Soomaliya ayaa soo hadalqaaday warar maalmahaan leesla dhex maraayay, oo la xiriira in isku shaandhayn lagu samaynaayo Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoona warkaasi ku tilmaamay warxumo tashiil.

“Warar dadka ay isla dhex marayaan oo ah in xukuumadda lakala diraayo ayaa jira, taasi maaha mid sax, wax walbo wanaaga halaga eeggo.” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa yiri “Warxumo tashiilka hala joojiyo xukuuamdda way jirtaa, wayna jiraysaa, way dhici kartaa. wasiirkii xilkiisa gudan waayo in xilka laga qaado oo mid xilka ka soo bixi kara lagu bedelo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa iftiimiyay dadaalo ay wado Dowladda Soomaaliya oo sida uu sheegay ay ku tayayn doonto shilinka Soomaaliga, oo qiimihiisu uu noqday mid aan tayo lahayn.

“Dowladdu waxay ku dadaaleysaa tayaynta shilinka Soomaaliga oo qiimihiisu dhacaayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay nagala shaqeeyaan soo celinta qiimaha shilinka Soomaaliga iyo tayayntiisa” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Add New Comment