Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka




Ku xigeenka xoghayaha difaaca ee dalka Mareykanka Bob Work ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga waxaa uu kula kulmay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya  iyo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya waxaana kulankooda ahaa kii ugu horeeyay oo xarunta Pentagon ay ku yeeshaan  mas’uuliyiintan.

Waaxda difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in kulanka ay yeesheen Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, wasiirka gaashaandhigga Janaraal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo ku xigeenka xoghayaha difaaca Bob Work ayaa waxaa uu ku saabsanaa ahmiyadda taageerada dhanka amniga oo Mareykanka uu siiyo Soomaaliya gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Mr Work ayaa amaanay guulaha ciidanka Soomaaliya ay ka gaareen maleeshiyaadka Al-shabaab labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale ay mas’uuliyiintan ka wada niqaasheen dagaalka kooxda Al-shababa lagula jiro iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah,isku dhafka ciidanka iyo dib u xoreynta goobaha ay wali ku sugan yihiin kooxaha nabad diidka ah iyadoo laga fogaanayo wax dib u dhac ah.

Mas’uuliyiinta labada dhinac  ayaa sidoo kale arimaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah ciidanka  Danab oo ah qeybta Komaandooska oo ka tirsan ciidanka xooga dalka kuwaas oo tusaale wanaagsan u ah ciidanka isla markaana uu qorshuhu yahay in guud ahaan ciidanka xooga Soomaaliya sidaa oo kale sidaa oo kale laga dhigo.

Ku xigeenka Xoghayaha difaaca Mareykanka Mr Work ayaa xaqiijiyay in wasaaradda gaashaandhigga ay ka go’an tahay in ay taageeraan ciidanka Soomaaliya sidii loo huromarin lahaa iyo kuwo Midowga Afrka ee AMISOM.

“Ku xigeenka xoghayaha difaaca ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Soomaaliya ay dhameystirto hirgelinta hanaanka federaalka iyo in sanadka soo aadan la qabto doorshooyin taas oo waqtigeeda lagu heshiiyay”. Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay waaxda difaaca ee Petagon –ka.

“ Horumar laga sameeyo dhanka siyaasadda ayaa waxaa ay lagama maarmaan u tahay in la helo aas aaska horumarinta hey’adaha amniga ee Soomaaliya .”  ayaa sidoo kale kamid ahaan bayaanka.


Add New Comment