Gaadiid Ciidan Oo Boliiska Ugu Deeqay Imaaraadka Carabta Oo Lagu Wareejiyay Wasaaradda Amniga





Iyadoo Dowladda Soomaaliya ay ku howlantahay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo saldhig u ah xoojinta Dowladnimada ayaa gaadiid ciidan iyo qalab  oo loogu talo galay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka Carabta waxaa la wareegay Wasiirka Amniga gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed .

Gaadiidkani oo ah kuwa tayadoodu aad u sareyso oo gaashaamaan ayaa waxaa loogu talo galay in lagu xoojiyo howsha baaxada leh oo ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay u hayaan dadka iyo dalka, waxaana munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta safaaradda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay gaadiidkaasi, iyadoo halkaasi goob joog ay ka ahaayeen saraakiisha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlay qalabkani lagu xoojinayo islamarkaana lagu horumarinayo Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ay ugu deeqday Dowladda Imaaraadka ayaa u mahadceliyay dowladaasi, isagoo sheegay in agabkani ay ku horumarinayaan howlaha ay ugu qidmeynayaan Bulshada Soomaaliyeed.

Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya Maxamed Axmed Cusmaan Al Xumaadi oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in gaadiidkani ciidan ay ugu talo galeen in lagu horumariyo howlaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ay ka wadaan dalka ee la xiriirta xaqiijinta ammaanka.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed oo isna hadal kooban ka jeediyay  halkaasi ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin kaalmada Dowladda imaaraadka carabta ay siineyso Soomaaliya islamarkaana Walaalaha imaaraadka carabta ay ugu mahadcelinayaan caawimaada ay caawisay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ku mashquulsan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana iyadoo taasi laga duulaya Taliyaha Ciidanka Boliiska Sareeyo guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud marar badan uu ku cel celiyay mudadii koobneyd uu xilka hayay in Boliisku uu doonayo in ay ku soo biiraan arday waxbaratay oo ka baxday dugsiyada sare iyo jaamacado kuwaasi oo soo codsaday in ay ka mid noqdaan Boliiska, waxaana imtixaanaad ay u fariisteen maanta oo taliska boliiska uu ka qaadayay taasi oo ah muhiimad gaar ah.


Add New Comment