Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya oo ka digtay qatarta xeebaha dalka



Qare.jpg

Kulankaan Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya ay kusoo bandhigeysay cilmi baaris ay ka sameysay badaha iyo xeebaha Soomaaliya, gaar ahaana xeebaha ku teedsan magalada Muqdisho ayaa waxa ka qeyb galey Wasiirka gadiidka badda iyo dekedaha, Agaasimaha guud ee Wasaradaas, mas’uuliyiinta hay’adda cilmi barista badaha,  aqoonyahanno iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaradda Dekadaha.

Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya ayaa kulanka kuso bandhigtay muuqaalo iyo qoraalo ka turjumaya cilmi baarista badaha ay ku sameysay oo ka koobnayd wasaqda lagu shubo badda oo ay ka mid yihiin Haamo aan la ogeyn waxa ku jira oo ku soo caariyay xeebaha, oo aan ilaa iyo iminka wax laga qaban, ayna keeni karto Qatar hor leh, Qashinka magalada laga daabulo dhuumo ay hay’addu sheegtay iney ku shubaan badda Muqdisho, biyo wasaqeysan iyo dhiiga xoolaha  la qalo iyo qodista kaawada xeebaha laga qodo oo ay ka dhalan karan dabeylo sunaamidii kal hore Soomaaliya ka dhacday oo kale sababa.

Sidoo kale hay’ada ayaa soo bandhigtay buugaag ka qoreen sharciyada badaha iyo soohdinta dhanka badda aan la wadaagno wadamada dariska nala ah.

Agaasimaha Hay’adda Cilmi-barista Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa tilmamay in haddii aan Arrimaha badda Soomaaliya loo helin dad aqoon u leh ay tahay mid qatar ah, waxaana uu intaa ku daray in  buugaagta ay ka soo saareen cilmi baarista ay leyihiin meelo kale oo laga tixraaci karo.

“Baddaan horta waa loo danleeyahay, haddii  carab dheer helin iyo cilmi badan meesha ayaa biyo noogu soo galaya, adduunku intaan anagu maqneyn ayuu cilmi badan bartay, intii aan anagu dunida ka maqneyn cilmi badan baa soo siyaaday, Alxamdullilah, rag dibadda noo tegay oo wax soo bartay way jiraan, laakiin wax badan ayaa naga maqan oo xagga cilmiga badda ku saabsan, aad aragtaan kutubtan soo saarnay iyo kuwa Reference wata waa kuwa aan soo gadnay, waxa aan soo saareyno raad bay leeyihiin” ayuu yiri Faarax Qare.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda Mudane Maxamed Cismaan Cali “Dhagax tuur) ayaa Hay’ada badaha Soomaaliyeed uga mahadceliyay howsha ay soo qabteen, isagoo ku booriyay inay sii labo jibaaraan dadaalkooda

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Nuur Faarax ayaa xusay in sida daraasadan lagu caddeeyay xeebaha Muqdisho ay ka jirto dhibaatooyin, waxaana uu intaa ku daray in laga hortago qatarta ku jirta xeebaha dalka, uuna horgyn doono shirka golaha Wasiirada


Add New Comment