Wasiirka Arrimaha gudaha oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan xadka Galgaduud iyo Ethiopia


Cabdiraxman Odowaa.jpg

Wasiirka ariimaha Gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa ka hadlay dagaaladda ka socda soohdinta u dhaxeysa gobolka Galgaduud iyo Dowlad Deganka Soomaalida Ethiopia, kaas oo u dhexeya dad xoolo dhaqato ah iyo Ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deeganka Soomaalida oo sida la shegey markiisi hore ka bilowday ceel biyood dhul saaqsimo ah

Dagaalkan oo socda in ku dhow todobaad ayaa waxa uu geystay qaasaaro isugu jira Naf iyo maal waxa uuna sidoo kale Wasiirku ku baaqey in dagaalka si shuruud la’aan ah lagu joojiyo,  isagoo wax laga xumaado ku tilmamay ciidamo Soomaaliya u dhashey iney laayeen dad xoolo dhaqato ah oo an waxba galabsan.

“Waxaan rabaa in aan idin la wadaago shaqaaqooyinka iyo dhibaatooyinka ka taagan xuduudda galgaduud iyo xadka Ethiopia, waan isku daynay in aan la hadalno labada dhinac, waxaase ayaan darro ah in dadka wax dilay ay ahaayeen ciidamada Liyuu Boolis” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ku baaqey in dadka dagalamaya ay xabadda joojiyaan si dhiiga daadanaya loo hakiyo, isagoo sharaxaad ka bixiyey goobaha sida rasmiga ah dagaladaasi uga dhaceen .

“Waxaan fariin u direynaa in dadka Soomaaliyeed dhiigooda la badbaadiyo, dabcan dadka xoolo raacatada ah ee xuduudaha mar waliba u gudba, hadda qeylo dhaanta waxa ay ka jirtaa dhanka Guriceel ee xuduudda la leh Ethiopia, hadda ka hor waxa ay ka jirtay dhanka Caabudwaaq, waxay kaloo ka jirtay Hiiraan, waxay kaloo ka jirtay Bakool, marka shaqaaqooyinkaasi soo laa laabanaya waxaan dooneynaa in laga gudbo oo gacan laga geysto sidii uu dowlad deegaanka Itoobiya ay arrimahaasi wax uga qaban lahayd” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha gudaha.

ku dhow 50 ruux ayaa ku dhimatay tan iyo markii dagaladaasi kaso cusboonadeen xadka gobolka Galgaduud uu la wadaago Dowlad Degeanka Soomaalida Itoobiya.

WhatsApp

Add New Comment