Kulan ay maanta xildhibaanada Barlamaanka ugu codeyn lahaayeen mooshin ka dhan ah Barlamaanka Jubbaland oo baaqday



BarlamaankaQ.jpg

Kulankii maanta ee ay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kaga doodi lahaayeen mooshinka laga keenay sharci ahaanshaha barlamaanka maamul-goboleedka Jubbaland ayaa dib u dhacay kaddib markii xildhibaannada kulanka soo xaadiray ay buuxin waayeen kooramka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka F. Soomaaliya mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa intii uusan kulanku furmin dalbaday in la tiriyo xildhibaanadii ku suganaa xarunta Golaha Shacabka, kaddibna markii uu kooramku buuxsami waayey ku wargeliyey xildhibaannada in aanu mooshinku furmi karin.

Mooshinka laga keenay Barlamaanka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u baaqday, ayadoona ay xildhibaannadii mooshinka keenay ay madaxda dowladda dusha ka saareen mas'uuliyadda qabsoomid la'aanta codeynta barlamaanka ee arrinkan.

Weli ma cadda in uu qabsoomi doono mooshinkan laga keenay barlamaanka Jubbaland iyo in kale, hase ahaatee xildhibaannada mooshinka wada ayaa waxa ay ku adkeysanayaan in mooshinka la qaadi doono marka ugu horreysa ee uu buuxsamo kooramka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wadda dadaallo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhashay mooshinka ay wadaan xildhibaannada Barlamaanka Federaalka, balse aan weli wax cad oo xal keeni kara aanu dhankeeda ka soo bixin.

Mar sii horeysayna maamulka Jubbaland oo arrintan ka hadlay ayaa xaaladda uga sii daray, kaddib markii ay ku caga-jugleeyeen in ay dowladda dhexe xiriirka u jari doonaan haddii aan mooshinka laga noqon, taasoo culeys weyn ku noqotay madaxda qaranka.

Add New Comment