Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo Nairobi ku kulmay


SomKen.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta, xili uu kasoo laabtay Magaalada Abuja ee Xarunta dalka Nigeria.

Kullanka labada madaxweyne ayaa habeenimadii xalay ka dhacay Garoonka diyaaraddaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay Madaxweynaha Kenya ayuu ku sheegay in xalay Madaxweynaha Somalia uu la kulmay, inkastoo uusan faah faahin ka bixin wixii ay ka wada hadleen.

Dowladda Kenya iyo Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka dhaxeeyay muran ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xadka ay la wadaagto Somalia, iyadoo derbigaasi uu gudaha usoo galay xadka Somalia.

Kenya oo ka mid ah wadamada Afrika ee ciidamada ka joogaan Somalia ayaa waxaa dhibaato ka haysataa sidii ay ugu hortegi laheyd weeraro ay Shabaab ka geystaan gudaha Kenya.

SomKen01.jpg

Add New Comment