Xeer ilaaliyaha oo beeniyay in dowladda ay ka baxday dacawadii ku saabsaneyd badda



Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in 13 bishan Luulyo ay gudbineyso dowladda Soomaaliya dukumentiyadii ka harsanaa dacawadda  dowladda Soomaaliya ay la tiigsatay Kenya taas oo ku saabsaneyd soohdinta badda ee labada dalka ay ku muransanyihiin.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in dowladda ay ka baxday dacawadaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isagoo tilmaamay in shirkadaha Lixda ah ee ku howlanaa shidaal baarista ay shan kamid ah heshiiskii ay buriyeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay digniin u jeedisay isla markaana hal shirkadda oo kuwaas kamid ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay weli ku harsan tahay heshiiskaas dowladda Kenya ay kula jirtay ayna ugu baaqayaan in ay howlahaasi joojiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dhulka Soomaaliyeed taako kamid ah wax heshiis ah iyo wax gorgortan ah kama galayno haddii aanahay dowladda Soomaaliyeed iyo shacakiisaba”, ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.


Add New Comment