Midowga Afrika oo Qorsheynaaya in AMISOM Soomaaliya Laga Soo Saaro 2020




amisom mission B.jpgAyadoo baryahaanba la isla dhexmaraayay wararka ku saabsan marka la filaayo in AMISOM iyo gaar ahaan ciidamada Uganda ee AMISOM laga soo saari doono Soomaaliya ayaa haatan waxay sheegayaan wararku in loo badinaayo in laga soo saaro dhammaadka 2020.

2020 waxaa haatan inaga xiga dhowr sano oo kale taana macnaheedu waa in dhowr sano oo dambe ay ciidamada AMISOM wali baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa haatan qorsheeyay in ugu dambeyn ciidamadaa Soomaaliya laga saaro bisha Disembar ee sanadka 2020.

Sidaa waxaa lagu xusay Arbacadii bayaan kasoo baxay ururka Midowga Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegaya in la bilaabi doono soo saarida ciidamadaa hadba in wixii loo gaaro sanadka 2018 gaar ahaan bisha Oktoobar isla markaana la gabagabayn doono hawsha soo saaritaanka AMISOM sanadka 2020 bisha ugu dambeysa ee Disembar.

Qorshaha oo Nairobi lagu soo bandhigay asbuucaan gudihiisa ayaa waxaa dhaliyay shir lagu qabtay Addis Ababa bishii tagtay ee Juun.

Inta ka horeysa ayay sheegeen xubnaha Midowga Afrika in ciidamo xooggan oo Soomaaliyeed la dhisayo kuwaasoo ammaanka la wareegi doona.

Add New Comment