QAYBDIID: Deegaanadii aan Maamulayay waxaan ku wareejinayaa Maamulka Cusub ee Galmudug



Madaxweynihii hore ee maamulkii Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo magacii maamulkiisu uu qaatay Maamulka Gobollada Mudug iyo Galguduud ayaa sheegay inuu xilka ku wareejin doono madaxweynaha Cusub ee la doortay. C/kariin Xuseen Guuleed.

Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in maamulkii uu madaxda ka ahaa uu ka talinayay meelo badan oo Gobolka Mudug ka tirsan, uuna jecel yahay inuu maamulka cusub ku wareejiyo, si howlihii ka socday ay halkaas uga sii wadaan.

Sidoo kale, Qaybdiid ayaa intaas ku daray inuu ku qanacsan yahay doorashadii looga guuleystay bishan afarteedii, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono danaha shacabka Gobollada Dhexe ku nool, uuna kusii jirayo siyaasadda.

Jen. Qaybdiid ayaa wuxuu dhanka kale, maamulka Puntland uGu baaqay inay nabad kula noolaato maamulka cusub ee Galmudug, isagoo xusay in colaadi aysan waxba soo kordhin doonin, balse ay nabaddu tahay midda ugu wanaagsan.

Madaxweynaha la doortay ee Galmukdug, C/kariin Xuseen Guuleed oo isna hadlay ayaa sheegey in Musharixiintii uu doorashada kaga guuleystay uu kusoo dari doono Golahiisa Wasiiradda, balse ma uusan sheegin faahfaahin intaas ka badan.

Dhanka kale, Qaybdiid madaxweynaha Galmudug noqday 01-dii bishii Ogoosto 2012-kii, wuxuuna xilkani hayay muddo saddex sano ah, isagoo ku Guuleystay in Gobollada dhexe uu u matalo shirar badan oo looga tashanayay aayaha Soomaaliya iyo kuwa caalami ah oo lacago loogu yaboohayay.

Ugu dambeyn, bishii Luuliyo ee sannadkii hore ayuu ka mid noqday Xubnihii saxiixay saxiixayaasha maamulka rasmiga ah ee loo dhisayo Gobollada Mudug iyo Galgaduud, isagoo ka tanaasulay xilkiisii madaxweynenimo, ogolaadayna in dadka Gobolladaas ku nool ay dhistaan maamul ay iyagu soo doorteen.

Add New Comment