Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo ugu baaqay ciidamada inay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab



taliyaha 016.jpgTaliyaha Ciidamada xoogga dalka Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed (Buud) ayaa ugu baaqay Ciidamada inay ka feejignaadaan weerarada Al-Shabaab uga imaanaya, iyadoo horay Al-Shabaab weeraro ugu qaaday xeryaha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Taliyaha oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu wali halkiisu yahay, balse ciidamada looga baahan yahay in saacad walba indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaqyada Cadawga sida uu yiri.

“Waxaan farayaa dhammaan Ciidamada xoogga dalka inay ka feejignaadaan weerarada Kooxaha Argagixisada, waa in ay saacad walba indhaha ku hayaan dhaq dhaqaaqyada cadawga”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay la wareegi doonaan ammaanka dalka, marka Ciidamada AMISOM dalka ka baxaan.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada munaasabada ciidul fitriga, waxaana uu u rajeeyay horumar iyo guulo inay ka gaaraan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.


Add New Comment