Wasiirka arimaha gudaha oo kulan la yeeshay gudiyada doorashooyinka iyo xuduudaha




Kulankan maanta ka dhacay xafiiska Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu la qaatay xubnaha gudiyada madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen wasiir ku xigeenka,wasiiro dowlaha iyo qaar kamid ah agaasimiyaasha.

Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha gudaha iyo federaalka mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo la hadlayay gudiyada  ayaa waxaa uu sheegay in howsha ay u xilsaaran yihiin ay ku wareeegeyso gudiyada isla markaana looga baahan yahay dulqaad iyo in Soomaali weyn ay u dhexeeyaan.

“Waxaad tihiin dadkii lagu aaminay howshaan  muhiimka ah wasaarada anagu hadaan nahay howshu waa naga soo wareegeysaa adinkay idinku soo wareegeysaa labada asbuuc ee aad isku taageysaaney idinla sii shaqeyneysaa idinkaan isku kiin hagaajineynaa dabcan waan idinla shaqeyneynaa  qaybaan wada lahaaneynaa“ayuu yiri Xidig.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen “Odawaa” ayaa la dar daarmay gudiyada uu kulanka la qaatay isagoo u soo jeediyay in howsha Soomaali weyn ka sugeyso ay ka soo dhalaalaan.

“Markaan idin soo dooraneynay dadnimadiina iyo Soomaalinimadiina ayaan idinku soo dooranay in aad qaraabo nala tihiin la idinkuma soo dooran in aad saaxiibo nala tihiin la idinkuma soo dooran  doorashada 2016 ka in aad noo xaglisaan la idinkuma soo dooran  garabkiina ala ha galo xaduudaha aan leenahay iyo federaalka sida anagu aan rabno in aad ka dhigtaan la idiinma keenin”ayuu yiri wasiirka.

Maalintii shalay ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay meel mariyeen gudiyada madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha kaas oo ay soo xushay wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka, waxaana ay ka kooban yihiin min 9 xubnood labada gudi.


Add New Comment