Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhoweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay ku dhacday doorashada madaxda maamulka ku meel gaarka ee Galmudug.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa loogu hambalyeeyay baarlamanka maamulka Galmudug, sida wanaagsan ee uu ugu guuleystay qabashada doorashada madaxtinimada ee maamulka ku-meel Gaarka ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortey mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo madaxweyne ku-xigeenka mudane Maxamed Xaashi Cabdi, isagoo si gaar ah u soo dhoweeyay qaabka daah-furnaanta iyo sida nabdoon ee ay doorashadu ku qabsoontey.

“Soomaaliya waxay ku tallaabsatey horumar la taaban karo oo ku wajahan baahinta xukunka dowladnimada iyo dhaqangelinta habka federaalka, doorashada toddobaadkan ee maamulka ku meel gaarka ah ee Galmudug waa tallaabo kale oo horey loogu qaadey dhinaca dhameystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalka ee Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaaa yiri “Aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inaga go’an inaan la shaqeyno madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo maamulkiisa, si loo dhiso xiriir adag oo lagu xaqiijinayo in shacabka Galmudug iyo gobollada kale ee dalka ay si wadajir ah u hiigsadaan nabad iyo barwaaqo”

Mareykanka, Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa horey sidan oo kale u soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, taasoo madaxweyne loogu doortay mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.


Add New Comment