Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay wefdi ka socda India



Wasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdusalam Hadliye Cumar ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dowladda India  Mr. Vijay Kumar Singh oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal.

Dr. Hadliye ayaa ka sheekeeyay horumarka uu gaaray xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeya dalka India, kaasoo ku qotama dhinacyo badan .

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay isbadalka  siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Soomaaliya ay gaartay sanadihii ugu dambeeyay , isagoo muujiyay in Soomaaliya u baahan tahay kaalin horumarineed oo ka qeyb qaadata dib u dhiska iyo maalgashiga..

Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dalka India Mr. Vijay Singh ayaa farxad iyo guul ku tilmaamay booqashadiisa caasimadda Muqdisho , isagoo xusay in dalkiisu ku faanayo xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Soomaaliya .

Wafdiga uu hogaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda India oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Aden Abdulle ee Magaalada Muqdisho , ayna ka qeyb yihiin diblomaasiyiin uu ka mid yahay safiirka India u qaabilsan wadamada Kenya iyo Soomaaliya Mr. Yogeshwar Varma ayaa waxaa  dalka ku soo dhoweeyay wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane  Khaalid Cumar Cali.



Add New Comment