Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Hambalyada Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed



Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Francisco Madeira, ayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed u rajeeyay Ciidul-fitri farxad iyo barwaaqo leh.

Danjire Madeira ayaa uga mahadceliyay dhammaan Muslimiinta acmaashii khayrka badnayd, is-jacaylka iyo naxariista ay muujiyeen muddadii lagu jiray bisha barakaysnayd ee Ramadaan.

“Ciidul-fitriga waxaa la dabbaaldegaa dhammaadka bisha barakaysan ee soonka oo ah bil lala yimaado cibaadooyin kala duwan sida salaado badan iyo daahirinta ruuxda. Xilligan dib u milicsiga nafta wuxuu na xusuusinayaa dhammaanteen qiimeyaasha muhiimka ah ee uu leeyahay bini’adaamka, oo ay ka mid yihiin, sadaqada, isu-dulqaadashada, iskaashiga iyo naxariista,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Danjire Madeira ayaa ugu baaqay Soomaalida inay sii wadaan joogtaynta habdhaqanka ku saleysan is-jacaylka iyo dib-u-heshiisiinta si loo gaaro ujeeddooyinka la wadaago ee nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.

Tan iyo 2007, AMISOM waxay gaartay guulo wax ku ool ah oo gacan ka geysanaya sugista ammaanka Soomaaliya. Iyadoo la kaashanaysa Ciidanka Qaranka Soomaaliya, waxay kooxda Al-Shabaab ka saareen magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya. AMISOM waxay kala shaqeyneysaa Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta hay’adaha dowliga ah, xaqiijinta in hay’adaha dowliga ah sida booliska iyo milateriga lagu baahiyo inta badan dalka iyo awood-siinta ciidamada ammaanka Soomaaliiya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda ammaanka ee Soomaaliya. “Waxaan u jeedinayaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya ee nabadda jecel inay sii wadaan u ducaynta, lana shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM si dalka gacan looga siiyo inuu ka guulaysto mashaakilaadka hadda haysta, uuna u gaaro nabad iyo xasillooni,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Doorashooyinka lagu wado inay dhacaan dabayaaqada sanadkan waxay noqon doonaan tallaabo wayn oo loo qaaday dhinaca horumarinta siyaasadda Soomaaliya. AMISOM iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah waxay sii wadi doonaan inay ka taageraan Soomaaliya dadaallada ay ku doonayso inay gaarto faa’iidooyinka nabadda iyo xaqiijinta in muwaadin kasta uu xaq u yeesho inuu codeeyo doorashooyinka lagu wado nay dhacaan 2020.

In kastoo dalku wali wajahayo caqabado, mustaqbalka Soomaaliya xaqiiqdii waa mid iftiimaya.


Add New Comment