Wasiirka Howlaha Guud Eng Saalax Sheekh” Waa inaan isku Tashannaa”



Wasiirka  Howlaha Guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Fedaraalka  Soomaaliya ayaa sheegay si loo horumariyo dhismaha dalka looga Baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay isku tashadaan oo ay wadankooda ku dhistaan si iskaa wax u qabso ah lana sugin wax dibadda uga yimaada Shacabka.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Xukuumadda Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan oo waraysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qofwalba oo Soomaali ah looga bahanyahay in ay isku taagaan dib u dhiska dalkooda isla markaana aynan sugin deeq uga timaada dibadda oo dalkooda lagu dhiso.

“Waddankeenna annaga ayaa dhisan karna  waa inaan isku tashannaa waddamo kale  kaalmo ka timaadda culeys dheeraad ah ayaan u arkaa , waa inaan iskaa wax u qabso u dhisannaa dalkeenna, wakhtigii hore dalka waxaa lagu dhisi jiray iskaa wax u qabso, waa inaan isku tashannaa” ayuu yiri wasiirka Howlaha guud  Eng Saalax Sheekh.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shacabka ku boorriyay in dalka uu leeyahay kheyraad badan loona baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed ay ka faa’iidaystaan kheyraadkaas.

Ummadda Soomaaliyeed waxaa waajib ka saaran in dalkooda ay dib u dhistaan, taas oo tusaalo wacan loo soo qadan karo dhismaha xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xammar oo dadka Soomaaliyeed ay ku dhisteen iska wax u qabso, iyaga oo hadda shacabka laga sugayo in xarumo kale oo bur-bur ka muuqdo ay ku dhistaan iskaa wax u qabso.


Add New Comment