Hay’adda Hormuud Foundation oo Lacag u Qaybisay Yemeniyiinta ku nool Muqdisho



Hay’adda Hormuud Foundation ayaa Maanta dhaqaale lacageed u qaybisay 450-qof oo ka mid ah Qoxootiga Yemen ee colaadaha dalkooda ka taagan kasoo cararay, isla markaana ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoo ruux walba oo ka mid ah la guddoonsiiyay 100-Doollarka Mareykanka ah.

Munaasabad lacagaha lagu Gudoonsiinayay Qoxootiga Yemaniyiinta ah ayaa waxaa ka qaybgalay Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dederaalka Somalia, Madaxda hay’adda iyo dadkii lacagaha loogu deeqay.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda Hormuud Foundation, Sheekh Cumar Salaad ayaa warbaahinta u sheegay in lacagta ay ugu talo-galeen dadka Yemaniyiinta ah si ay uga gudbaan bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Barnaamijkan maanta aan qabanay haddaa nahay Hormuud Foundation oo aan u qabanay dadka kasoo barakacay dalka Yemen ee hadda ku sugan Muqdisho oo cadadkoodu yahay dadka aan maanta wax siinay 450-500. Qofkiiba waxaan siinnay 100-doollar oo aan ugu talagalnay inay uga gudbaan Ramadaanka inta ka harsan Afurna ka dhigtaan. Ciidda iyo Arrimhiisa uu qof kasta ku dhameystirto waxaa kaloo Jaaliyadda Yemen aan u ba;lan-qaadnay inaa siinayno 450 kartoon oo Timir ah oo halkii kartoon ay ku jirto 8-kg,” ayuu yiri Cumar.

Sidoo kale, Qaar ka mid ah dadkii Yemen u dhashay ee maanta hey’ada samafalka ee Hormuud ay Lacagta siisay ayaa warbaahinta qaranka uga waramay sida ay u arkaan lacagta la siiyay, isagoo u mahadceliyay hey’adda Hormuud.

Ugu dambeyn, xildhibaan Ibraahim Saalax Deyfullah oo ka hadlay goobta lacagaha lagu siinayay dad Yemaniyiin ah oo ku nool Muqdisho ayaa u mahadceliyay hay’ada samafalka Hormuud, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha kale in si lamid ah Hormuud ay ugu soo gurmadaan dadkan dhibaateysan.

“Runtii taakuleyntan waa taakuleyn aad u balaaran oo nuuceeda oo kale wali aysna helin, dadka maanta halkan leysugu keenay oo cadadkoodu gaarayo dad ku dhow 500,oo ay ugu talagaleen misaaniyad ah $50,000 oo dadka halkan fadhiya min $100 loo siinayo ,waa fursadii ugu horeysay ay helaan waxaan dareemayaa inay aad ugu faraxsan yihiin oo waxay ku soo beegantay waqti ay aad ugu baahnaayeen oo ay soo dhowdahay Ciida”, ayuu sheegay xildhibaan Deyfullaah.

Add New Comment