Maxamed Cabdi Xaashi oo loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug



Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa waxa uu ku guuleystay doorashadii madaxwene ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug ee maalinimadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa wareegga Sadaxaad  ku tartamayay laba musharax ee kala ah Maxamed Xaashi Cabdi iyo Bashiir Diiriye Shariif, hase ahaatee Maxamed Xaashi Cabdi ayaa helay codad gaaraya 40 cod halka uu ka helay musharaxii la tartamayay codad gaaraya 36 cod

Guddomiyaha Baarlamanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Cabdi oo ka hadlay gabagabada doorashada madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay dhamaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaadatay habsami u socodka doorashada maamulka Galmudug.

Doorashadii Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa ayadana waxaa ku guuleystey Cabdikariim Xuseen Guuleed kaddib markii uu dheeraaday codad gaaraya 9 musharixii la tartamayay ee Axmed Macalim Fiqi.


Add New Comment