Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku guuleystay xilka madaweynenimo ee Dowlad-goboleedka Galmudug



Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku guuleystay codbixintii maanta barlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug uu u qaaday qabashada xilka madaxweynenimada maamulkaasi, taasoo ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galguduud.

Codbixinta oo ahayd mid aad u adag, murashixiinta ka qaybgaleysana ay ahaayeen kuwo aan kala dhicin ayaa waxa laysla soo gaaray ilaa iyo wareegga 3-aad, taasoo ay isugu soo hareen labada murashax ee Axmed Macalim Fiqi iyo madaxweynaha la doortay ee Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Guddiga doorashada ee barlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ugu dambeyntii si rasmi ah u shaaciyey in Cabdikariim Xuseen Guuleed uu yahay madaxweynaha Galmudug, kaddib markii ay asaga iyo mudane Fiqi ay kala heleen 49 cod iyo 40 cod.

Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa horey u soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya.



Add New Comment