Dooarashada madaxweynaha Galmudug oo waqti dhow billaabaneysa



GalMudug State inside.jpgXaruntii uu maalmihii u dambeeyey uu ka socday shirka maamul-u-sameynta Dowlad-goboleedka Galmudug ee magaalada Cadaado ayaa maanta lagu wadaa in lagu soo gabagabeeyo howlihii uu guddigii farsamada uu ka waday halkaasi.

Waxa hadda gudaha xarunta ku wada sugan dhammaan xubnaha barlamaanka maamu-goboleedka Galmudug, xubno ka kala tirsan golaha wasiirraada federaalka, barlamaanka federaalka, maamulladii ka jiray gobollada dhexe, waxgarad, mas'uuliyiin, guddiga farsamada, guddiga doorashada iyo murashixiinta u taagan qabashada xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug.

Dhammeystirka dhismaha Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxa la saadaalinayaa in ay ku soo dhammaato si wanaagsan, maadaama ay ku soo billaabatay si wanaagsan oo aan horey loogu arag dhismihii maamul-goboleedyadii midkan ka horreeyey.


Doorashada madaxweynaha Galmudug waxaa u tartamayo musharixiinta kale ah:

1-    Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan

2-    Axmed Macallin Fiqi  

3-    Cabdikariim Xuseen Guuleed

4-    Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid)

5-    Maxamed Cilmi Afrax

6-    Xasan Maxamed Nuur.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka waxaa iyaguna u tartamaya:

1-    Maxamed Xaashi Cabdi

2-    Xasan Maxamed Warsame

3-    Bashiir Diiriye Shariif

4-    Cabdullaahi Bashiir Cabdi

5-    Cabdullaahi Xaashi Warsame iyo

6-    Cabdulqaadir Cabdullaahi Warsame.


Add New Comment