Xaflad lagu taageerayay dhismaha maamulka Galmudug oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro



Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna taageerayay dhismaha dowlad-goboleedka cusub ee Galmudug ayaa xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, taasoo uu ka qeybgalay madaxweynaha maamulkaasi.

Munasabada lagusoo dhaweynayay maamulka Galmudug ayaa waxaa  qaban qabiyaay ururka dhalinyarada qaranka iyadoona ay kasoo qaybgaleen madaxweeynaha Galmudug , maaamulka gobolka Banaadir, qaar ka mida  gudoomiyayaasha degmoyinka Gobolka banaadir, haween, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Fanaaniinta kala ah Caddoow arramram, Hodan Africa iyo Kooxda Dhantada ee Banaadir Band ayaa xafladda ku soo bandhigay suugaan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka.,

Cabdi aadan Carraale oo ah wiil dhalinyara ayaa madasha kusoo ban dhigay riwaayad ay ladhaceen bulshada kasoo qayb gashay xafladda .

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyada qaranka Fadumo Qaran oo ku hadleeysay Gudiga Xafladda soo qaban qabiyay ayaa ka hadashay ahmiyadda xafladani.

“dhalinyarada doorkooda gaabis yowsan noqonin,  sidoo kalana mudane madaxweeyne iyo bahda Galmudug  waxa laga yabaa wixii dhexdiina ka dhaca in laga sheego Radio ku yaala Mugdisho,  waxana kama qabo karo Radiyowgaasi, maxkamad miyaa  marka waxaan rabnaa dadku waa dad xildhibaaano  iyo wasiirro noqday,  wax walba oo dhexdiina ka dhaca waa in aad ku xalidaan wadatashi iyo isku tanaasul oo miiska laguwada hadlaa Mida kale mudane madaxweeyne waa in aad wadatashi wax ku saleeysaa dadka adiga kula shaqeeynaa waa in aa dhageeysataa waxaa laga yabaa waxaada ogeeyn ineey dhacaan”

Maxamed Axmed Diiriye Yabooh Gudoomiya Xigeenka Amniga Iyo Siyaasada Gobolkani  oo Kahadlay Doorka dhalinta iyo siyaasda dalka ayaa yiri “Dowlada Hada Jirta Dhalinyada Fursad badan ayeey Siday oo Horkacayo Prof Xasan Shiiq een marka waxaa larabaa in ay fursada dowladu siiday ineey kasoo dhalaalan  oo ay dhira galin u noqoto in madaxweene kasta ooyimaado ow dhira gaalin u qaato ama maragtay oow ku tilaaabsado in dhalinyarada ow meelkasta u dhiibo lakiin hadii dhalinyaradu ay kazoo bixi wayeen howsha loo igmaday waxaa dhici doonta in dadka wax qabanaya wax loo dhiibto waxaan leeyahay anaga aan doorkeena kazoo baxno   madaxda dhalinyada waqti halasiiyo”.

Madaxweynha Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guleed oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay In Maamulkiisa Ow fursad Sinayo Dhalinyada

“runtii dhalinyaradu waa xoogii bulshada  bulsha kasta dhalin yaradeeda ayaa hor marinkarta dhalinyaradeeda ayaa dib u dhigi karata dhalinyaradu waa xoog fir fircoon hadii loo isticmaalo dhina wanaga tusale wanaagsan hadaan idin siiyo dhalinyadii SYL waxa ay ahayeen dhalinyaro aad u dayar waxa ay aheyeen dhalinyaro dugsi sare wax ah ay ku yarayeen dhanka aqoonta hadana waxaa laga yabaa dadka xaflada jooga badankood in ay jamici yihiin  anaga waxaan diyaar u nahay inaaan dhalinyada ka fa ideysano  ooh or mud ka dhig no” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo dhawaan lagu caleema saray Cadaado ayaa Waxaa Horyaala Tilaabooyin adag oo la doonayo in uu ka gudbo, iyadoona Looga fadhiyo maamulkaani xalinta qilaafyada degaankaasi.

Add New Comment