Nicholas Kay “2016 waxaa dhici doona qaab doorasho oo ka duwan tii dhacday 2012”



Mr Kay.jpgErgeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay ayaa mar kale cadeeyay in aanay sanadka 2016 dalka ka dhici doonin doorasho hal qof iyo hal cod, isagoo taa bedelkeed cadeeyay in nuuc doorasho ah ay dalka ka dhici doonto.

Mr Kay oo u waramayay BBC-da ayaa sheegay in horumar laga gaaray dhinaca dhismaha Maamul goboleedyada, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay in sanadkan inta aanu dhamaan la dhameystiro maamulada haray sida Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Danjire Kay ayaa sheegay in shirka ka furmay Muqdisho looga hadlay arrimaha doorashada 2016 iyo in aysan dhici karin doorasho qof iyo cod, waxaana mar laga weydiiyay sababta aanay taas ku suura geli karin ayuu ku jawaabay in hey’adihii aan diyaarsaneyn, Guddigii doorashooyinka oo dhowaan la sameeyay, ammaanka oo aan hagaagsaneyn, dastuurka oo aan dib loo eegin.

“Doorasho 2016 dhamaan waxaa noo muuqata in aysan dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod, balse waxaa dhici doona 2016 qaab doorasho ah oo ka duwanaan doonta midkii 2012 dhacday, waana mid laga wada xaajoon doono oo Soomaalida ay ka wada tashan doonaan”ayuu yiri Danjire Nicholas Kay
Mar wax laga weydiiyay inay dhacdo muddo kororsi dowladda waqtigeeda dhamaanayo loo sameeyo ayuu xusay in aysan taas dhici doonin, lana ogolaan doonin.

“Qaraarkii Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu gaaray ee tirsigiisu ahaa 2232 waa mid si cad loogu qeexay in aan la ogolaan doonin wax muddo kordhin ah loo sameeyo dowladda uu hada waqtiga ka dhamaanayo”ayuu yiri Danjire Kay.

Waxaa uu xusay in dadka Soomaaliyeed ay qabaan dareen guud oo dhinac walba ah oo ku saabsan marka la gaaro 2016 in la soo xulo nidaam cusub oo Soomaali leedahay, kaasoo ka ballaaran kana mug weyn kii dhacay sanadkii 2012 oo uu ugala jeeday qaabkii Odayaashii dhaqanka ahaa ee 135 oday u soo xuleen Baarlamaanka.

Dad badan oo odorasa siyaasada Soomaaliya ayaa qaba in nidaamka cusub ee imaan doono marka la gaaro sanadka 2016 uu noqdo mid Gobollada iyo degmooyinka gobollada laga keeno ergooyin fara badan, taasoo xildhibaan kasta ay soo doortaan boqol qof oo beeshiisa ah, taasoo ka yara culus qaabkii horay Odayaasha dhaqanka ku soo xuleen Xildhibaanada Baarlamaanka ee hada jira


Add New Comment