Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qaabilay taliyaha boolska Minnesota USA



gen haamud.jpgTaliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay taliyaha booliska Minisote John Herigton iyo saraakiil ka socotay hay’ada Ban garaafti  ee fadhigeedu yahay Mareykanka taas oo tababar siisa ciidamada dambi barista ee “CID-da”.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed iyo saraakisha uu la kulmay kala hadlay sidii loo wanaajin lahaa xariirka u dhaxeeya Booliska Soomaliya iyo kuwa Minisote iyo kordhinta  tababarrada ku aaddan qaabka ay u kasban karaan shacabka.

Markii uu kulankaasi soo dhamaaday ayaa taliyaha booliska Soomaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan “Xaamud” ayaa sheegay inay wadaan dadaallo badan oo lagu dhisayo booliska.

“dadaallo badan ayey wadaan ciidamada booliska Somaaliyeed sidaa la socotaan oo ah inaan xooga saarno tababarida waayo baniaadamka waa tababar xitaa haduu shaqeynaayo marka taas ayaa naga go’an aniga iyo saraakiisheyda inaan tababarka culeys badan saarno oo aan tababareyno dad cusub ama cid kasta ama saarkiiisha oo dhan waxa lagu noolyahay aduunka waa tababar meel fiican ayayna noo mareysaa waxaa kaloo qodobada iigu muhiimsna aniga intaan meesha jooga ay tahay inaan boliska somaaliyeed aan u sameeyo xiriir saaxiibtinimo oo qotadheer taas ayayna kamid tahay booqashada uu maanta ninkaan nogu yimid anagana haduu alle idmo waan booqan doonaa marka kuwa oo kale oo xiga oo taliyaal aniga dhigeyga ah inaa booqdo ayaa dhici karta”

Taliyaha boliska Minisote John Herigton ayaa isna sheegay in ujeedada uu u yimid Muqdisho ay tahay qaabkii uu ugu faa iidayn lahaa  ciidamada boliska Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta halkaan joogo aniga oo marti u ah booliska soomaaliyeed iyo ha ada baan garaaf taas oo booliska kala shaqaysa tababarada iyo sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadka joryaala eek u aadan u shaqaynta shacabka soomaaliyeed” ayuu yiri John Herigton

John Herigton  oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Miniyaabulis bulshada labaad ee ku nool waa soomaali oo ah muwaadiniin American ah ani ahaan soomaalida halkaas joogta waxan ka bartay qibrado badan oo quseeya dhaqanka soomaaliyeed .

Waxan ku  rajaweynahay in qibradayda ciidan ee 37 sano ee aan ku dhex jiray booliska in aan wax badan ku soo kordhin doono wada shaqaynta booliska iyo shacabka ka dhexeysa “


Add New Comment