Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta furay shir looga hadlayo hindise sharciyeedka jinsiyadda Soomaaliya



oday waa b.jpgWasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Fadareelka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir socon doono saddex maalmood, waxaana looga hadli doonaa hindise sharciyeedka Qabya Qoraalka jinsiyadda Soomaaliya kaasoo ay ka qeyb galayaan 200 ergo ka kala socotay dowlad-goboleedyada dalka ka jira iyo marti sharaf kale.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa wasiirka arrimaha gudaha federeelka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada shirka iyo dib-u-eegista  lagu sameynnayo Sharcigaani iyo marxaladihii usoo maray sida dastuurka 1960 sharciga Jinsiyaddeed 1962 Xeer Madaxweyne 1984 iyo Dastuurka ku kmg ah 2012’’’Sharcigaani waxa uu laf dhabar u yahay Hanaanka aan dooneyo waa in uu Dalka loo Gaarsiin lahaa Doorasho Toos ah Qof iyo Cod’’’Hagaajinta  Arimaha Amniga Dalka,Titakoobka  Dadka iyo Aqoonsiga Muwaadinka ‘’ayuu yiri Wasiir Odowaa

Ergada Shirka ka qeyb galeyso ayaa laga sugayaa in ee soo jeediyaan iyo Talooyin ka bixiyaan wax ku oolka sharcigaan ku aadan dhmaeestitka hindisisharciyeedka ee kasoo baxa Shirka

Sidoo Kale Warsaxafadeedka Kasoo Baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Fadareelka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaarada ee ka go antahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u gudbiso Xeerkaan oo dhameestiran la horgeyndoono Golaha wasiirada Xukumada Fadareelka Soomaaliya sidoo kale loo Gudbindoono Golaha shacabka

Warsaxafadeedka kasoo Baxay Wasaarada Arimaha Gudaha Xukumada Fadareelka Soomaaliya ayaa lagu sheegay sidii loo dhameestiri  lahaa sharuucda kale ee loo Baahanyahay ,sida Fadarealeynta ,Doorashooyinka iyo Xeerarkaasi Aas Asiga u ah iyo Sidii Dalka loogu soo dabaalilahaa Xasilooni siyaasadeed Nabad iyo Horumar waarar ayaa lagu soo gaba gabeeyay Warsaxafadeedkii kasoo Baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada fadareelka Soomaaliya.



Add New Comment