Madaxweynaha oo maanta furay shir caalami ah oo looga hadlayo horumarka Soomaaliya



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay shirka wadamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Soomaaliya, iyadoo uu wadajir ula gudoominyay wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Necholas Kay.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay wufuudda inka badan 30 dowladood iyo 120 xubnood oo ka kala socotay barlamanka federalka,  maamullada gobollada iyo beesha caalamka.

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa dib u eegista waxa ka qabsoomay hehsiiskii New Deal-ka iyo howlaha horyaalla waqtiga harsan ayaa waxaa khudbad ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka ahdlay sida Soomaaliya u hiigsaneyso xiligan sanadka 2016 iyo guulaha la gaaray 8-dii bilood ee ugu dambeysay.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Necholas Kay ayaa ka hadlay sida ay muhiim u tahay in laga wada tashado gaarista hiigsiga  2016-ka,  isagoo xusay ineysan jiri foonin watqi kordhin.

Alex Rodson oo ka mid ah madaxda ka socotay Midowga Yurub ayaa ka hadlay dhankiisa muhiimadda shirkan iyo tageerada reer yurub ee ku aaddan heshiiska hiigsiga cusub ee New Deal-ka.

Wasiirka arraimaha dibedda  Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa rajo wajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay ka soo baxaan najiijooyin wax ku ool ah oo u wanaagsan aayaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa sidoo kale waxaa khudbad ka jeediyay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, Madaxweynaayaasha maamullada Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Duqa magaalada Muqdisho Gen. Muungaab iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo la filayo in maalinimada berrito ah la soo geba gabeeyo.


Add New Comment