Diyaar garowga shirka New Deal-ka ee berri ka furmaya Muqdisho



caunte.jpgMaalinta barri  ah waxaa magalaadda Muqdisho ka furmaya shir calami ah oo looga hadali doono dardar galinta barnamijka  New Deal-ka  iyo guulaha dowladda Soomaliya ay  ka gaartay dhinacyadda Siyaasadda, amniga, hormarinta dalka  iyo suurta galnimadda in dalka Soomaliya ay ka dhacdo doorasho sanadka 2016-ka.

Dowladda soomaliya ayaa  wada  diyaar garow ku aaddan  marti galinta shirkaas oo lagu qaban jiray dalka dibaddiisa, isla markaana ay ka qayb galayaan  wakiillo matalaya beesha calamka.

Ra’iisal-wasaare ku xigeenka xukumadda Soomaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta  kormeer  ku tagay xarunta lagu qabanayo, Dowladda ayaa sameysay xarun gaar ah oo shirka lagu qaban doono, taas oo ku taalla xarunta ciidanka cirka ee Afisiyooni. Oo ku dheggan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka  qorsahynta iyo iskaashiga calamiga ah ee xukumadda Soomaliya Mudane CabdiraxmaanYuusuf Caynte ayaa Radio Muqdisho u sheegay in shirkani uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhaqan gelinta mashaariicda ay midowga Yurub ballan qaadeen ee New Deal iyo arrimo kale.

“Shirkaan  ayaa ah kii ugu horreeyey ee heerkan   ah oo lagu qabto Soomaliya, kaa oo looga hadalayo  barnamijka  New Deal-ka  ee looga dhawaaqay Brussels 2013kii,    kaa oo micnahiisu  ahaa maaraynta deeqaha dowladda Soomaliya ay caalamka ka hesho iyo  xoojinta geeddi socodka waxa loogu yeero Hiigsiga cusub ee Soomaliya” ayuu yiri Wasiir Ceynte.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nekolas Key ayaa guddoomin doona shirkaan oo ay ka soo qeyb galayaan dowlado iyo wakiilo ka socda caalamka.


Add New Comment