Wasaaradda maaliyadda oo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay laba laab


Wasaaradda maaliyadda ayaa sheegtay in dakhliga gudaha ka soo xaroodo uu kordhay laba laab (100%) sanadkii la soo dhaafay, taas oo ka damebysay markii ay dadka Soomaaliyeed bixiyeen canshuuraha.

Wasiiru-dowlaha maaliyadda mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in marka  la fiiriyo lacagta gudaha ka soo xaroon jirtay sanadkii hore ay laba laabantay iminka, taas oo horseedi doonta uu dalku uu isku filnaado.

“Wasaaradda maaliyaddu waxay dhinaca dakhli uruurinta ka sameysay horumar aad u ballaaran, tusaale ahaan horraantii 2014-ka dakhliga gudaha ee dowladda wuxuu ahaa wax ka yar 5 milyan oo dollar bil walba, hadda (2014) wuxuu marayaa 10 malyan bishii” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wuxuu intaa ku daray in qorshuhu uu yahay in dhaqaalaha ka soo xarooda gudaha uu noqdo 15 milyan sanadkaan. “Hadafkeenu wuxuu yahay in dakhliga gudaha uu noqdo 15 milyan sida noogu cad miisaaniyadda dowladda, waxaan rajaynayaa in sanadku inta uusan dhammaanin aan isku filnaano oo dakhliga gudaha uu daboolo adeegyada dowladda”

Wasaaradda maaliyadda ayaa xoojisay hannaanka dakhli uruurinta gudaha, si looga maarmo kaalmada miisaaniyadeed ee ay dowladdu ka hesho dibadda, dhawaan ayay dowladdu sheegtay in la dhimayo mushaaraadka shaqaalaha si la igu filneysiiyo dakhliga dowladda uga soo xarooda gudaha.


Add New Comment