Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka oo sheegay in sanada 2016-ka aanay dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah




Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ka hadlay filashada hiigsiga sanadka 2016, isagoo cadeeyay in aanay dalka ka dhici karin doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Isagoo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee shalay ayuu xusay in la wada ogyahay in aanay 2016 Agosto kadib dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod.

“Waxaa isku raacsanahay ama la og yahay Xukuumaddana ogtahay, qof kasta oo Soomaali og yahay in 2016 Agosto kadib in aysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod, waxaa kaloo ognahay dastuuriyan Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo illaa dhamaan intii la doortay September 10-keeda sanadka 2016 in xilkii naga wada dhamaaday”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa tilmaamay in sababta aanay dalka doorasho qof iyo cod ugadhici karin ay tahay, iyadoo aanay dhameystirneyn hey’adihii dowladdaqaarkood, dastuurkana dhameystirneyn, tira koob sax ah la heyn iyo in ammaanka oo aanay wanaagsaneyn

“Xigmada loo baahan yahay waxay tahay marka ma la qaban karo doorasho waa mid,  baarlamaanka waa inoo soo bedelaa baarlamaan kale ee la doortay waa mid, qodobada dastuurka in la ixtiraamo waaye, laakiin xildhibaano nahay siyaasiyiin nahay gole dhan oo qarameed ayaa nahay waxaa nalooga baahan yahay haddii mar waajibaadka naga dhamaaday sidee loogu gudbi karaa, taas inaa is weydiinaa”ayuu yiri Jawaari.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan soo jeediyay in Baarlamaanka hada jira waqti kordhin loo sameeyo, si uu u sii diyaariyo shuruucdii dalka lagu gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod.

Dhinaca kale Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ka yeelanaya arrinta Hiigsiga sanadka 2016, iyadoo Guddi hoosaad uu leeyahay Baarlamaanka uu ka soo tala bixin doono siyaasada dalka iyo sida loogu gubdi karo 2016.

Inkastoo Madaxda dowladda iyo Beesha Caalamka ay ku cel celiyeen in aanay jiri doonin muddo kororsi, hadana waxaa muuqata in Madaxda qaarkood ay xusul duub ugu jiraan muddo kororsi dhacda.

Si kastaba ha ahaatee maalinta berri ayaa la filayaa inuu Muqdisho ka furmo shir ku saabsan arrimaha Hiigsiga, kaasoo ay isugu imaanayaan dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.


Add New Comment